Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyada 2018

Sawirka baarlamaanka Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay miisaaniyada 2018, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka.

50 xildhibaan ayaa kasoo qeybgalay kulanka maanta oo Khamiis ah ka dhacay caasimada Garoowe, 47 xildhibaan ayaa ogolaaday in la ansixiyo miisaaniyada, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Axmed Cali Xaashi.

Miisaaniyada sanadka 2017 ayaa dhan $ 92,713, 364, waxaana ka muuqata is dhin marka loo fiirsho tii sanadka 2017, Wasiirka Maaliyada Cabdullaahi Siciid Caarshe ayaa dhawaan sheegay in dhaqaale laga filayay haayadaha Qaramada Midoobay laga saaray miisaaniyada 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*