Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay in dib ciidamada Mareykanka loogu soo celiyo gudaha Soomaaliya

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu dhiggiisa Mareykanka Joe Biden ku amray in dib ciidamada Mareykanka loogu soo celiyo gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal la soo dhiggay bogga madaxtooyadda Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu uga mahadcelin madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in uu ogolaaday in ciidamo Maraykan ah la geeyo Soomaaliya.”Ayaa lagu yiri qoraalka.

Xasan Shiikh oo 66-sanno jir ah oo dib loo doortay Axadii ayaa caqabadaha ugu waa-weyn oo uu wajahayo waxaa kamid ah dagaalka maleeshiyada Al-Shabaab taasoo dagaal ka wada dalka kuyaala Geeska Afrika tan iyo sanadkii 2006-dii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*