Madaxweynaha Pakistan oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirada cusub ee Soomaaliya – Sawiro

Safiir
Madaxweynaha dalka Pakistan Mamnuun Xuseen oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomaya Khadiija Maxamed al-Makhsuumi.

Islamabad-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Pakistan Mamnuun Xuseen ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalkaas Khadiija Maxamed al-Makhsuumi.

Qaabiilaada safiirada cusub ee Soomaaliya ayaa si heer sare ah loo maamuusay, iyadoo cutubyo katirsan ciidamada Pakistan ay salaam siiyeen safiirada ayna u garaaceen astaanta dalka Soomaaliya.

safiir 3
Ciidamada baamboyda Pakistan oo salaan sharaf siinaya safiirada cusub ee Soomaaliya Khadiija Maxamed al-Makhsuumi.

Safiirada cusub oo ku labisan dharka dhaqanka Soomaalida ayaa lagu qaaday gaariga faraska oo ah hab maamuuseed sare oo loo sameeyo dibloomaasiyiinta la kulma Madaxweynaha dalkaas.

Safiir 1
Safiirada cusub Soomaaliya ee dalka Pakistan Khadiija Maxamed al-Makhsuumi oo lagu wado gaari faras.

Khadiija Maxamed al-Makhsuumi ayaa horey u soo noqotay safiirada Soomaaliya u fadhida dalka Ciraaq.

safiir4
Safiirada cusub ee Soomaaliya Khadiija Maxamed al-Makhsuumi oo qaadanaysa salaan sharaf.

Dalalka Pakistan iyo Soomaaliya ayaa ah labo wadan oo Islaam ah oo ka wada tirsan ururka iskaashiga Islaamka, sidoo kalena leh xiriir taariikhi ah.

Ganacsiga u dhaxeeya labada dal ayaa lagu qiyaasaa inuu ku kaco malaayiin dollar sanad walba.

Ugu dambayna, tirakoob la sameeyay dhawaan ayaa sheegaysa in ilaa 3,000 oo Soomaali ah ay ku nooshahay dalkaas kuwaasoo badankood arday ah halkaas wax-kabarta.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*