Soomaaliya oo xayiraadii ka qaaday Qaadka Miirowga ee Kenya

Qaad
Ku dhawaad 16 diyaaradood oo sida Qaadka Miirowga Kenya ayaa maalin walba taga Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xayiraadii ka qaaday Qaadka Miirowga oo ka yimaada dalka Kenya, kadib muddo asbuuc ah oo uu xayirnaa.

Wadahadal ay Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo barbar socday shir weynaha madaxda urur goboleedka IGAD ayay isku afgarteen in xayiirada Qaadka la qaado.

Dowlada Soomaaliya ayaa asbuucii hore xayiraad kusoo rogtay dhamaan diyaaradaha sida Qaadka Miirowga oo ka yimaad dalka Kenya, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u qaabilsan Kenya Jamaal Maxamed Xasan dowlada Soomaaliya ayaa Qaadka u joojisay kadib markii ay ku eedaysay guddoomiyaha gobolka Miraa ee Kenya oo qaadka ka baxo Mr Munya in uu u ololaynayay madax-banaanida Soomaaliland.

Warar kale oo warsidaha Puntland Mirror heshay asbuucii hore ayaa sheegayay in Qaadka loo xayiray u diyaar-garowga shir-weynaha madaxda IGAD oo galabta Muqdisho ku soo gabagaboobay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*