Turkiga oo Soomaaliya u diray 15,000 tan oo caawimaad ah inta lagu jiro bisha Ramadaan

Turkiga oo Soomaaliya u diray 15,000 tan oo caawimaad ah inta lagu jiro bisha Ramadaan. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa 15,000 tan oo gargaar ah u soo diray Soomaaliya inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Isaga oo la hadlayay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu Kerem Kinik oo ah madaxweynaha haayada Bisha Cas ee Turkiga waxa uu sheegay in markabka caawimaada ah uu dhawaan tagi doono gudaha Soomaaliya.

“Caawimaadaan waxaa loo diri doonaa dhammaan gobolada dalka oo dhan.” Ayuu yiri Kinik.

Caawimaada ayaa waxaa kamid ah bur, sonkor, daawo iyo cunada caruurta, taas oo uu sheegay madaxweynaha haayada Bisha Cas ee Turkiga in ay ka faa’iidaysan doonaan saddex milyan oo dad ah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Haayada Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u soo dirtay ilaa iyo 11 markab oo caawimaad ah.

Caawimaadihii hore ayaan sidii la rabay u gaarin dadkii loogu talogalay waxaana hareeyay musuqmaasuq balaaran oo ay sameeyeen masuuliyiinta loo idmaday, sida warsidaha Puntland Mirror fahansanyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*