Madaxweynaha dowladda Puntland iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Boosaaso

Kulanka kadib madaxweynaha Puntland iyo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo xarunta madaxtooyada Boosaaso kula hadlaya saxaafada maxaliga ah. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa kulan ku yeeshay manta oo Isniin ah magaalada Boosaas ee xarunta ganacsiga Puntland.

Kadib markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa madaxweynaha Puntland iyo ergayga Qarmada Midoobay waxay xarunta madaxtooyada Boosaaso kula hadleen saxaafada maxaliga ah.

“Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxaan aad uga wada hadalnay arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya iyo sidii loo dhammays tiri lahaa wuuna ku bogaadiyay Puntland inay bilowday doorashadii xildhibaanada aqalka hoose, sidoo kalena in la muujiyo qoondada dumarka ee xubnaha aqalka hoose waana ku raja weynahay in xuquuqda ay dumarku leeyihiin la ilaaliyo ” ayuu yiri madaxweyne Cabdiweli.

Sidoo kale madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in sidoo kale ay Michael Keating kawada hadleen arrimo ku saabsan sidii loo joojin lahaa colaada Gaalkacyo.

“Waxaan aad isula soo qaadnay dhibaatada kasoo cusboonaatay magaalda Gaalkacyo, waa arrin xanuun badan, waa arin cid kasta ay tahay inay ka damqato, loona baahanyahay in xal waara loo helo Gaalkacyo iyo mudug, waxaanu intaan wada joognay khadka taleefoonka ku xiriirnay Raysulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaanuna isla qaadanay in la sameeyo xabad-joojin kabacdina madaxdu ay isugu yimaadaan maalinta Jimcaha magaalada Gaalkacyo”. Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dhankiisa ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in uu la dhacsanyahay qoondada haweenka Puntland ay ka heeleen aqalka sare haddana ugu hambalyeey dowladda Puntland in ay hormuud u noqotay doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Michael Keating ayaa dhanka kale ku nuux nuuxsaday ahmiyada ay leedahay nabada iyo sidii magaalada Gaalkacyo nabad loogu dabaali lahaa iyo sidii xabad-joojin waarta loo samayn lahaa.

Waxaan khadka taleefoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha Dawladda Puntland, Raysulwasaaraha Soomaliya, Madaxweynaha mamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Puntland iyo maamulka Galmudug waxaana la isla qaatay in la dhaqan geliyo xabad joojin ka bilaabanta maantaayuu yiri Michael Keating.

Ugu dambayna Kulanka waxaa Madaxweynaha dowladda Puntland ku weheliyay Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La-dagaalanka Burcad-badeeda Siciid Maxamed Raage, guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Dhedo iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*