Maleeshiyo katirsan Al-Shabaab oo afduubtay afar shaqaale gargaarka ah oo u shaqaynayay haayada WHO

Maleeshiyo katirsan Al-Shabaab oo afduubtay afar shaqaale gargaarka ah oo u shaqaynayay haayada WHO. [Sawirka: Archive]
Maleeshiyo katirsan Al-Shabaab oo afduubtay afar shaqaale gargaarka ah oo u shaqaynayay haayada WHO. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirro) Afar shaqaalaha gargaarka ah oo u shaqaynayay haayada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa waxaa afduubtay maleeshiyo katirsan Al-Shabaab.

Shaqaalaha oo Soomaali ah, ayaa lagu afduubtay gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo gelinkii dambe ee Isniintii.

Shaqaalaha ayaa waday howlo talaal ah oo ay maalgelisay haayada WHO marka la afduubtay.

Gobolka Gedo, oo  ah halka afduubku ka dhacay ayaa kamid ah gobolada koonfureed oo ay ku xoogantahay Al-Shabaab.

Sida ay ilowareedyadu sheegayaan, odayaasha dhaqanka ayaa wada wadaxaajood ku saabsan sidii loo sii dayn lahaa afarta qof ee shaqaalaha gargaarka ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*