Ugu yaraan 22 qof oo ku dhimatay dab qabsaday warshad kutaala dalka Bangladesh

warshad-gubatay
Warshada gubatay oo kutaala dalka Bangladesh. Sawirka: Aljazeera.

Dhaka-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhimatay 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dab uu qabsaday warshad samaysa qolofta alaabaha lagu galeeyo oo kutaala waqooyiga caasimada dalka Bangladesh ee Dhaka.

Wargeyska Dhaka Tribune ayaa tabiyay maanta oo Sabti ah in dabka uu ka dhashay qarax taangi ee warshada Tampako oo kutaala magaalada warshadaha ee Tongo oo 20km dhanka waqooyiga kaga beegan caasimada.

Dhibaatooyinka uu sababo dabku ayaa kusoo noqnoqda warshadaha kuyaala wadamada Koonfurta qaarada Aasiya, iyadoo ay aad u hoosayso qaabka nabadgalyada shaqaalaha ee ka shaqeeya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*