RW Israel oo tagay dalka Uganda

RW Israel oo garoonka diyaaradaha Entebbe kula hadlaya dadka warka faafiya.

 

Raysulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa galabta oo Isniin ah gaaray garoonka caalamiga ee diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala wadanka Uganda si uu u xuso 40 sanadguurada kasoo wareegtay markii diyaarada Air France la afduubtay lagana dajiyay garoonkan.

RW Israel ayaa waxaa garoonka Entebbe ku qaabilay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni iyo wasiirka arrimaha dibadda Uganda Sam Kahamba Kuteesa.

Netanyahu ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay dhawaaqa qoryaha si loo xasuusiyo askartii ku dhimatay howlgalkii samatabixinta diyaarada.

4-tii bishii Juulay sanadkii 1974-dii ayaa diyaarada Air France oo katimid Israel una socotay Faransiiska waxaa afduubtay maleeshiyaad Falastiiniyiin ah kuwaasoo ku khasbay in diyaarada ay ka degto garoonka Entebbe iyadoo ay saarnaayeen dad rakaab ah oo gaaraya 250 qof.

Intii uu socday howlgalkii diyaarada lagu sii daynayay ayaa waxaa ku dhintay RW Netanyahu walaalkiis oo la oran jiray Yoni Netanyahu kaasoo ahaa taliyihii howlgalka sidoo kale waxaa dhintay ku dhawaad 30 askari oo Uganda u dhasahay kuwaasoo ilaalo ka hayay diyaarada oo fadhiday garoonka Entebbe oo kuyaala caasimada Uganda ee Kampala.

Inta uu ku guda jiro booqashadiisa, RW Israel ayaa la filayaa inuu kulan la yeelan doono hoggaamiyaasha gobolka si uu u kula hadlo xiriirka Israel iyo Africa.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*