Labo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka fuliyay Jubbada Hoose

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ciidamada Mareykanka ayaa labo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku dilay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Hoose, sida taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku sheegeen bayaan.

Duqeynta ayaa dhacday Talaadadii kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo roondo ka hayay meel dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ma jirto wax shacab ah oo khasaare ka soo gaaray weerarka, sida ay sheegeen AFRICOM.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha gudaha Soomaaliya tan iyo markii uu xafiiska qabtay Madaxweyne Donald Trump.

Labadii sanno ee u dambeysay in ka badan 800 boqol oo maleeshiyo Al-Shabaab u badan iyo ISIS ayaa la qiyaasayaa in lagu dilay duqeymaha Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*