Raysulwasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddiga doorashada heer federal iyo guddiga xalinta khilaafaadka

Raysulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga doorashada heer federal iyo guddiga xalinta khilaafaadka, sida ku xusan waraaq ka soo baxday xafiiskiisa.

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ka kooban 25 xubnood kuwaasoo ay kamidyihiin xubno ay soo gudbiyeen dowlad goboleedyada, taasoo qeyb ka ahayd heshiiskii Muqdisho ee bishii lasoo dhaafay ay gaareen masuuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

Sidoo kale guddiga xalinta khilaafaadka ee uu raysulwasaaruhu magacaabay ayaa ka kooban 12 xubnood.

Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in horaanta sanadka 2021 ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha.

Magacyada Guddiyada hoos ka akhriso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*