Koox looga shaki qabo burcadbadeed oo dooni ganacsi ku afduubtay xeebta gobolka Mudug


Koox looga shaki qabo burcadbadeed oo dooni ganacsi ku afduubtay xeebta gobolka Mudug. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Kuwo looga shaki qabo Burcadbadeeda Soomaaliya ayaa dooni ganacsi ku afduubtay  xeebta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, Cabdulaahi Axmed Cali, ayaa warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in doonida ay siday badeeco ay ka keentay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayna ku socotay magaalo xeebeedka Kismaayo, marka ay burcadbadeedu afduubteen.

Sida ay sheegayaan khuburado, burcadbadeeda ayaa laga yaabaa in ay doonida u adeegsato sidii ay ugu ugaarsan lahaayeen maraakiibta ganacsi ee maraya biyaha Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, burcadbadeeda Soomaaliya ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsi.

Bilowgii asbuucaan, burcadbadeeda Soomaaliya ayaa qaaday weerarkoodii labaad intii lagu guda jiray muddo bil ah, waxayna qabsadeen markab shixnada qaada oo laga leeyahay Hindiya oo ay saarnaayeen 11 shaqaale ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*