Ciidamada milatariga Soomaaliya oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab

Saddexda xubnood oo la toogtay. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah dil toogasho ah ku fuliyay saddex xubnood oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada ciidamada.

Saddexda xubnood oo la toogtay, oo uu kamid ahaa Maxamed Xaaji Axmed oo la yaqaan Macalin Ilkacase, kaasoo ahaa madaxii amniyaata Al-Shabaab ee Muqdisho, ayaa toogashadoodu ka dhacday Janaraal Kaahiye, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada Soomaaliya Cabdullaahi Buule Kamay.

Waxaa lagu helay in ay ka dambeeyeen dilal badan oo ka dhacay Muqdisho oo ka dhan ahaa masuuliyiin Dowladda Federaalka Soomaaliya katirsanaa iyo saraakiil ciidan.

Al-Shabaab ayaa weli khatar ku ah Soomaaliya oo isku diyaarinaysa doorashooyinka madaxweynaha horaanta sanadka 2021. Sabtidii, ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay makhaayad kutaala Muqdisho, kaasoo ahaa weerarkii ugu dambeeyay oo ay fuliso maleeshiyadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*