Waa kuma guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland?

Guddomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. [Sawir Hore]
Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxa uu ahaa abwaan curiya heesaha oo kunool dalka UK kahor inta uusan sanadkii 2013 ku biirin ololihii doorashada Puntland, isaga oo taageeray Madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali.

Intii lagu guda jiray wakhtigii ololaha doorashadaas, Cabdirashiid ayaa Cabdiweli u sameeyay hees caan noqotay oo lagu magacaabay “Taageer Cabdiweli”.

Markii uu xilka ku guuleystay Cabdiweli waxa uu u magacaabay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil agaasimaha warfaafinta isaga oo xilkaas hayay tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2018.

Xilligii Cabdiweli, waxa la sheegaa in uu lahaa awood ka badan tan shaqadiisa, oo ay sababtay saaxiibnimada dhow ee kala dhaxaysay madaxweynihii hore.

Dabayaaqadii 2018, ayaa loo soo doortay in uu noqdo xubin katirsan baarlamaanka Puntland.

Doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka bishii Janaayo 2019, waxa uu u tartamay guddoomiye balse waxa uu ku haray wareega kowaad.

Cabdirashiid oo ah nin dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa lagu xasuustaa in uu isku xiray gobolka uu ka soo jeedo ee Sanaag iyo maamulkii Cabdiweli, taaasoo keentay in mashrriic ay kamidtahay dhismaha wadada u dhaxeysa Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.

Maanta oo Khamiis ah, waxaa uu ku guuleystay in uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, oo ah awooda saddexaad ee dowlada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*