Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo u guuraya magaalada Baraawe oo caasimad u ah

Villa Baraawe
Xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baraawe. Sawirka: Sonna.

Baraawe-(Puntland Mirror) Wefdi balaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta oo Sabti ah tagay magaalada Baraaawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warsidaha Puntland Mirror ujeedka Shariif Xasan ayaa ah sidii maamulkiisa uu ugu guuri lahaa magaalada Baraawe oo ah caasimada maamulkaas.

Magaalada Baydhabo ee caasimada gobolka Baay ayaa hadda ah xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Xarunta aqalka madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee Baraawe ayaa dhismihiisa la dhameeyay waxaana lagu wadaa in madaxweyne Shariif uu si rasmiya xariga uga jaro kadibna uu dowladiisa ugu raro magaalada.

Guddoomiyaha magaalada Baraawe Xuseen Jeex oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in si dhaqso ah maamulka Koonfur Galbeed uu ugu soo guuri doono caasimada rasmiga ah ee Baraawe.

Baraawe ayaa ah magaalo xeebeed taariikhi ah oo saaran Badweynta Hindiya .

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*