Isfahanwaa ku saabsan dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaaliya oo u dhaxeeya DFS iyo deeq-bixiyeyaasha

Madaxweynaha Soomaaliya
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxa haayada UNDP Helen Clark oo Muqdisho ku kulamy 24, Agoosto 2016.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Isfahanwaa ku saabsan dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaaliya ayaa u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo deeq-bixiyeyaasha, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo diblomaasi oo lagu kalsoonaan karo.

Deeq-bixiyeyaasha ayaa ka cudur-daartay dhaqaalaha ay dowlada federaalka sheegtay in ay ku baxayso doorashooyinka, deeq-bixiyeyaasha ayaa ku taliyay in dhqaalaha doorashooyinka ku baxaysa ay qayb bixiyaan dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Doorashooyinka Soomaaliya oo lagu balansanaa in la qabto bishan Agoosto iyo bisha September ee soo socota, haddase waxaa dib loogu dhigay ilaa iyo dabayaaqada bisha Otoobar ee sanadkan 2016.

Dhawaan waxaa caasimada Soomaaliya Muqdisho timid Helen Clark oo ah madaxa haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee (UNDP), si ay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ugala hadasho hanaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo howlaha farsamo ee loo baahanyahay.

Haayada UNDP ayaa deeq-bixiyeyaasha inta badan u soo mariyaan dhaqaalaha ay ugu deeqaan haayadaha dowlada Soomaaliya.

Shir xasaafadeed oo shalayoo Jimce ahayd ay ku qabteen magaalada Muqdisho guddiga dadban ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka ay meel fiican marayaan.

Khuburada falaanqeeya siyaasada arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in isfahanwaaga ka taagan dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaaliya ay dib u dhigi karaan wakhtiga dhawaan la iclaamiyay ee lagu balansanyahay in doorashooyinka ay qabsoomaan.

Soomaaliya oo muddo 25-sanno ah ay haayadaheeda dowlada burbursanyihiin ayaa ku tiirsan dhaqaalaha ay wadamada caalamka siiyaan.

Dalka kuyaala Geeska Afrika ayaa wajahaya khatar culus oo amni oo ay ugu weyntahay weerarada argagixisada ah ee ay qaado kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*