Madaxweyne Deni oo kormeeray ciidamada difaaca Puntland oo ku sugan xerada 54-aad ee Garoowe

Madaxweyne Deni oo ku sugan xerada ciidamada 54-aad, Febaraayo 23, 2019. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa manta oo Sabti ah kormeeray ciidamada difaaca Puntland ee loo yaqaan Daraawiish oo ku sugan xerada 54-aad ee magaalada Garoowe.

Isaga oo la hadlayay ciidamada, Deni ayaa sheegay in dowladiisu ay kaalin weyn ka qaadan doonto tayaynta ciidamada.

“Waxaa naga go’an in aan qaadno wadadii dadkii naga horreeyey oo aan ahmiyaddeena 1-aad siino ciidanka, waxaan hortiina ka balan qaadaynaa Insha Allaah in aan tayeyn doono ciidamada, waxaan rabaa in aad boorka ka jaftaan kaalintii hore ee aad lahaydeen inaad noqotaan dad danaha Puntland ilaaliya oo dib u yagleela ciidan tayaysan oo wax walba kaafin kara.” Ayuu yiri madaxweynuhu

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*