RW Japan Shinzo Abe oo Afrika u balanqaaday $30 bilyan afarta sanno oo soo socda

Abe
Raysulwasaaraha dalka Japan Shinzo Abe oo ka qaybgalaya shirka iskaashiga Afrika iyo Japan. Sawirka: Reuters.

Nairobi-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa u sheegay hoggaamiyaasha qaarada Afrika maanta oo Sabti ah in dalkiisa uu u balanqaadayo $30 bilyan oo dhaqaale ah oo lagu taageerayo kaabayaasha guud iyo kan gaarka ah ee qaarada.

Abe, oo ku sugan caasimada dalka Kenya si uu uga qaybgalo shir-weynaha lixaad ee iskaashiga Japan iyo qaarada Afrika oo maanta halkaas ka furmay ayaa balanqaadkaas jeediyay, isagoo sheegay in dhaqaalahaas uu bixi doono saddexda sanoo oo soo socda, isagoo xusay in sanadkan uu kamidyahay $10 bilyan oo loo isticmaali doono mashaariicda kaabayaasha qaarada, iyadoo loo sii marin doono Bangiga Horumarinta Afrika.

Abe ayaa sheegay in dhaqaalaha uu balanqaaday waxyaabaha loo isticmaalayo ay kamidyihiin kor u qaadida wax soo-saarka shaqaalaha iyo daryeelka caafimaadka.

Japan oo mar ahaan jiray dalka ugu weyn oo xiriir ganacsi la leh Afrika ayaa tartan kula jira Shiinaha oo hadda ah dalka ugu weyn oo xiriirka ganacsi kala dhaxeeyo qaarada Afrika.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*