Maleeshiyada Al-Shabaab oo sheegtay in ay qabteen mid kamid ah diyaaradaha drone-ka Mareykanka

Sawiro ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab ayay ku sheegeen burburka diyaaradaha drone-ka ah.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay qabteen mid kamid ah diyaaradaha aan cidina wadin ee drones-ka Mareykanka kadib markii ay ku soo dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sawiro ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab maanta oo Axad ah ayay ku sheegeen burburka diyaarada drone-ka ah.

Waxay intaas ku dareen in diyaarada oo nooceeda ay ku sheegeen drones-ka wax basaasta ay maalmihii u dambeeyay ku wareegaysay deegaankaas.

Ma jirto xaqiijin dhab ah oo ku saabsan arrintaas marka laga reebo sheegashada Al-Shabaab.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab sheegato in ay qabteen diyaaradaha drones-ka oo ku soo dhacday deegaanada ay joogaan, horey ayay sidaan oo kale u sheegeen.

Labadii sanno ee u dambeeyay, Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada xagjirka ah Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana lagu dilay duqeymahaas tobonaan dagaalyahan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*