Mudaharaadyo rabshado wata oo ka qarxay Somaliland kadib markii xisbiga mucaaradka uu ku eedeeyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka in ay taageerayaan xisbiga talada haya

Taageeroyaasha xisbiga Wadani oo isugu soo baxay waddooyinka si ay uga mudaharaadaan musuqmaasuq ka jira doorashada. [sawirka: Twitter]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka qarxay magaalooyinka waa-weyn ee Somaliland oo ay kamidyihiin Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo kadib markii xisbiga mucaaradka ah ku eedeeyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka in ay taageero siinayaan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Waxaa jiray isku dhacyo dhexmaray mudaharaadayaasha iyo ciidamada booliiska, taasoo sababtay in dhowr qof ay ku dhaawacmaan, sida ilo-wareedku sheegeen.

Gudaha magaalada Burco, taageeroyaasha xisbiga Wadani ayaa burburshay xafiiska shirkada Sagal Jet kadib markii masuuliyiinta xisbigu ay Sagal Jet ku eedeeyeen in ay daabacday “waraaqaha cod bixinta oo been abuur ah” oo loo adeegsaday doorashada.

Iyaga oo wariyeyaasha maanta oo Khamiis ah kula hadlayay Hargeysa, masuuliyiinta Wadani ayaa sheegay in wada shaqayntii ay la lahaayeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay jareen, iyaga oo xusay in guddigu uu sameeyay “wax isdabo marin”.

Sidoo kale waxay intaas ku dareen in Guddiga Doorashooyinka Qaranka aysan ka jawaabin cabashadooda.

Somaliland ayaa Isniintii qabatay doorashadeeda madaxweynaha, saddexda xisbi, Kulmiye, Wadani iyo Ucid ayaa ku loolamaya madaxweynenimada.

Natiijooyinka kama dambeysta ah ayaa la filayaa in la iclaamiyo maalmaha soo socda, sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*