Madaxweyne Farmaajo oo Donald Trump ka codsaday in uu Soomaaliya gacan ka siiyo dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Riyadh-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kulan kula qaatay gudaha dalka  Sucuudi Caraabiya ayaa ka codsaday in gacan uu ka siiyo dagaalka Al-Shabaab.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Farmaajo ayaa Trump u sheegay in Soomaaliya ay Mareykanka uga baahantahay in uu ka taageero sidii loo cirib tiri lahaa maleeshiyada Al-Shabaab oo muddo sannado ah dagaal kula jirtay Dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Madaxweyne Trump ayaa balanqaaday in dowladdiisu ay ka taageeri doonto dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto ururka hubaysan ee Al-Shabaab, sida ilo-wareedku sheegeen.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa dhinac socday shir-weyne u dhexmaray Mareykanka iyo dalalka Islaamka oo shalay oo Axad ahayd ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga.

Wuxuu ahaa kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*