Maamul goboleedka Galmudug oo doortay Madaxweyne cusub

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf. [Sawirka: Archive]
Cadaado-(Puntland Mirror) Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta oo Arbaco ah doortay Madaxweyne.

Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Xaaf ayaa helay 53 cod halka musharixii la loolamayay Axmed Shariif Cali Hilowle uu helay 35 cod intii lagu guda jiray wareega labaad ee codaynta.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casiir ayaa ku dhawaaqay in Axmed Ducaale Geele Xaaf uu ku guuleystay doorashada.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada doorashada, Madaxweynaha cusub ayaa balanqaaday in uu wax badan ka qaban doono amni darada ka jirta deegaanada Galmudug iyo in uu hagaajin doono xiriirka maamulada dariska la ah.

Xafaa ayaa muddo dhan 16-sanno ahaa xildhibaan katirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waana ganacsade isaga oo asaasay shirkada duulimaadyada Daalo Airline.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhawaan jagada iska casilay kadib xaalad caafimaad oo lasoo daristay.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*