IGAD oo boggaadisay dadaalada DFS ee ka dhanka ah Al-Shabaab

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse. [Isha Sawirka: Twitter]

Khartuum-(Puntland Mirror) Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay dadaalada dowladda Soomaaliya ay kula dagaalamayso Xarakada Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen in ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kadib shirkii 48-aad ee Golaha Wasiirada IGAD oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

“Waxaan soo dhaweynay dadaallada ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada, waxaana u muujinnay garab istaag dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kulanka.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay oo Soomaaliya ku matalayay wasiirka arrimaha dibada Abshir Cumar Huruuse.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*