Marwada kowaad ee Nayjeeriya oo sheegtay in Madaxweyne Buhari uusan u xanuunsanayn sida la mooday

Madaxweyne Maxamed Buhari iyo marwadiisa Caasha Buhaari. [Xigashada Sawirka: AFP]
Abuja-(Puntland Mirror) Marwada kowaad ee dalka Nayjeeriya Caasha Buhaari ayaa sheegtay in saygeeda uusan u xanuunsanayn sida dadka ay moodeen.

Waxay Twitter-ka ku soo daabacday in Madaxweyne Maxamed Buhaari oo 74-sanno jir ah, uu wato inuu guto waajibaadkiisa uuna la kulmo wasiiradda.

Koox magac ku leh gudaha Nayjeeriya ayaa u jeediyay Mudane Buhaari in uu qaato fasax caafimaad iyadoo ay kordhayso walaaca ku saabsan caafimaadkiisa.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Maarso, ayuu adlka ku noqday kadib todobo asbuuc oo uu fasax caafimaad u joogay gudaha dalka UK halkaas oo looga daaweeyay xanuun aan la sheegin.

Markii uu dalkiisa ku noqday waxa uu sheegay in uusan xanuunsan.

Waxa uu ka maqnaa labadii kulan ee golaha wasiiradda sidoo kale waxaan lagu arag salaadihii Jimcada ee u dambeeyay ee masaajiidka oo kuyaala aqalka madaxtooyada.

Wasiirka Warfaafinta Nayjeeriya Lai Mohammed ayaa asbuucii lasoo dhaafay warbaahinta u sheegay in caafimaadka madaxweynuhu uu yahay “arrimo shakhsiyadeed”.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*