Ugu yaraan 10 qof oo ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Goobta uu qaraxa uu ka dhacay. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa geeriyootay kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay makhaayad ku taala Muqdisho galabnimadii Talaalada, sida ay sheegeen ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow xero tababar oo ay leeyihiin ciidamada milatariga.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro hore oo noocaan oo kale ah sheegatay masuuliyadooda.

Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo dalka uu ka jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo raysulwasaaraha kaasoo ka dhashay gabar katirsan haayada sirdoonka oo la waayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*