Maxkamada ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay Caloolgeel oo loo heysto qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo

Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaan Caloolgeel. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo loo yaqaan Caloolgeel, sida uu laanta Af-Soomaaliga ee VOA u sheegay guddoomiyaha maxkamada ciidamada Cawil Axmed Faarax.

Caloolgeel ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo sanadkii 2016, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada ciidamada.

Xukunka ayaa magaalada Boosaaso ka dhacay horaantii asbuucaan, sida uu sheegay Cawil.

2012, maxkamada ciidamada Puntland ayaa Caloolgeel ku xukuntay dil balse waxaa amray in la sii daayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali iyada oo ujeedadu ahayd sidii loo badbaadin lahaa muwaadiniin reer Puntland ah oo Caloolgeel dartiis loogu afduubtay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Xilligaas ayaa maxkamadu ku eedaysay in lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo isaga oo watay waxyaabaha qarxa.

Caloolgeel ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya ciidamada sirdoonka Puntland ka fuliyeen deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug sanadkii 2016, balse warkaas ayaan run noqon.

2017, Caloolgeel ayaa lagu qabtay howlgal wadajir ah oo ciidamada Puntland ee PSF iyo sirdoonka Galmudug ka sameeyeen xaafada koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu heystaa bil rafcaan ah, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*