Wasaradda Arrimaha Gudaha DFS oo sheegtay in doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed xilligeeda la qabto

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Maxamed Sabriye. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in doorashada maamulka Koonfur Galbeed lagu qabto xilligeeda.

“Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.” Ayaa lagu sheegay bayaan maanta oo Talaado ah kasoo baxay wasaaradda.

“Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.” Ayaa lagu sii sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale looga codsaday guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuraanna u qabtaan doorashada madaxwaynaha dowlad goboleedka waqtiga loo asteeyey iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

Isniintii, qaar katirsan guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay kamid ahaayeen guddoomiyihii iyo ku xigeenkiisii ayaa iscasilay, iyaga oo sheegay in guddiga ay farogelin ku heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo bartamaha bishaan, waxaana ku loolamaya musharixiin badan oo uu ku jiro hoggaamiyaha hadda jooga Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Balse waxaa laga yaabaa in ay wakhtiga doorashada ay dib u  dhacdo maraca loo fiirsho khilaafka xoogan ee jira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*