Imaaraatka Carabta oo bilowday dhismaha saldhigooda milatari ee Berbera

Sawirka: Dekada Berbera.

Dubai-(Puntland Mirror) Shirkada Divers Marine Contracting LLC ayaa bilowday dhismaha saldhiga milatariga Isutaga Imaaraatka Carabta ee Somaliland.

Shirkada oo fadhigeedu yahay magaalada Shaariqa ayaa bilowday shaqada mashruuca kadib markii la siiyay qandaraaska mashruuca oo dhan $90 milyan bishii April ee sanadkan, maamulaha Cabdullaahi Darwish ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Bloomberg ku sheegay.

Saldhiga ayaa laga dhisayaa meel u dhow xeebta magaalada Berbera, waxaana la filayaa in la dhammeeyo bisha June ee sanadka soo socda, sida uu sheegay maamuluhu.

Berbera waxay kutaalaa Gacanka Cadmeed, taasoo 260 km dhanka koonfurta uga beegan dalka Yemen, halkaas oo ciidamada Imaaraatka Carabta iyo xulufada Sucuudi Caraabiya ay kula dagaalamayaan falaagada Xuutiyiinta.

Saldhiga Imaataarka Carabta ayaa dhan 300 mitir si loogu taageero garoonka diyaaradaha militariga, oo ay ku jiraan maraakiibta badda si ay u ilaaliyaan Gacanka Cadmeed, sida uu sheegay Darwiish.

“Ma ahan deked ganacsi,” ayuu yiri maamule Darwiish. “Waxa kaliya ee loogu talagalay maraakiibta badda.”

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaan si deg deg ah uga jawaabin xiriir ay la sameysay warbaahinta Bloomberg oo doonaysa faahfaahin dheeri ah. Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraatka Carabta ayaan ka jawaab xiriirka Bloomberg.

Xasuusin: Warbixintan waxaa xuquuqdeeda leh Bloomberg, waxaa turjumay warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*