Maamul gobleeedka Koonfur Galbeed oo la saftay xulufada Sucuudiga hoggaamiyo ee kasoo horjeeda dalka Qatar

Sawirka: Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Baydhabo-(Puntland Mirror) Maamul gobleeedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay la safteen xulufada Sucuudiga hoggaamiyo ee kasoo horjeeda dalka Qatar, sida lagu sheegay bayaan.

“Go’aankii dowladda federaalka ee 6-dii June 2017, waxaa la sameeyay iyada oo aan la tixgelin oo aan la tashi lala sameyn shacab weynaha maamul goboleedyada oo ay saameyn doonto,” bayaanka ayaa lagu yiri.

Koonfur Galbeed ayaa bayaankeeda ku sheegtay in aragtidooda ay ka dhex sheegeen shirkii u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo Muqdisho ka dhacay bishii lasoo dhaafay ee July, iyaga oo sheegay in Soomaaliya aysan qaadan booska dhex-dhexaadnimada sababtoo ah xiriirka taariikheed iyo midka saaxiibtinimo ee dhanka ganacsiga oo ay Soomaaliya la leedahay Sucuudiga iyo Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Wakhtigii waa la dhaafay, iyo dowladda federaalka Soomaaliya doonitaan la’aanteeda ku saabsan arrinta,  Koonfur Galbeed, Soomaaliya, ma lahan doorasho balse waxay la safatay Sucuudiga iyo Imaaraatka.” Ayaa bayaan lagu sii yiri.

Bishii lasoo dhaafay, dowladda Puntland ayaa la safatay xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo oo kasoo horjeeda Qatar.

Arrintan ayaa muujinaysa khilaaf hor leh oo u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*