Wefdi Puntland ah oo uu hoggaaminayay wasiirka waxbarashada Puntland oo weerar gaadmo ah loogu geystay gobolka Sanaag

Wasiirka ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa gobolka Sanaag. [Isha Sawirka: PL TV]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo ka socda maamulka Somaliland ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday wefdi Puntland ah oo uu hoggaaminayay wasiirka waxbarashada Puntland, sida ilo-wareedyo deegaanka ah ay sheegeen.

Weerarka ayaa galabta oo Talaado ah ka dhacay deegaanka Damala-xagare ee gobolka Sanaag, sida ilo-wareedyadu ay intaas ku dareen.

Waxaa jira warar sheegaya in hal askari oo katirsanaa ilaalada wasiirka uu ku dhintay weerarkaas gaadmada ah, balse wasiirka ayaa nabad qaba.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugaan gobolka Sanaag, halkaas oo ku kormeerayay imtixaanka shahaadiga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*