Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo dhoolatus millatari ka sameynaya tuulo kutaala gobolka Shabeellaha Hoose, bishii Febaraayo 17, 2011. [Lahaanshaha Sawirka: AFP]Garoowe-(Puntland Mirror) Afar katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu geystay Mareykanku, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika maanta oo Jimce ah.
Duqeynta ayaa ka dhacday meel qiyaastii 50 kiilo-mitir u jirta waqooyiga magaalo xeebeedka Kismaayo, sida ay bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika, oo intaas ku sii daray in aysan jirin dad shacab ah oo ku dhintay duqeyntan.
Sanadkii lasoo dhaafay, tobonaan maleeshiyo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeymo, uu qaaday Mareykanku, kaasoo balanqaaday in uu si waddi doono howlgalada ka dhanka ah argagixisada ku sugan Soomaaliya.
Be the first to comment