Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo deegaano kuyaala gobolka Shabellaha kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab

Saraakiil lugeynaya deegaano kuyaala Shabeellaha Hoose. [sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah deegaano kuyaala gobolka Shabellaha Hoose kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa la wareegay deegaanka Ow-dhiigle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Odowaa Yuusf Raage oo ah taliyaha ciidanka lugta.

Ciidamada ayaa deegaankaas la wareegay iyadoo wax dagaal ah uusan dhicin, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ku sugan.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ciidamada ay deegaankaas ka wadaan baaritaano lagu xaqiijinayo nabadgelyada.

Ow-dhiigle, oo maleeshiyada Al-Shabaab ay haysteen muddo sannooyin ah ayaa la sheegay in ay u ahayd saldhiga ay ka abaabulaan weerarada gobolka.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xooganyihiin maleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*