Ugu yaraan hal qof oo ku dhintay dooni ganacsi oo ku degtay meel dhowr mayl u jirta dekada Boosaaso

Dekada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Dekada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dooni ganacsi oo ku degtay meel dhowr mayl u jirta xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida uu sheegay sargaal.

Agaasimaha wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka Puntland, Cabdimaajid Samatar Jaafaan oo la hadlay saxaafada maxaliga ah ayaa sheegay in doonida uu ku dhintay mid kamid ahaa naakhuudayaashii.

Jaafaan ayaa sidoo kale sheegay in ay soo badbaadsheen 9 kamid ah shaqaalaha doonta saarnaa oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali, iyadoo lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee Boosaaso.

Doonida oo ka timid dalka Cumaan oo kusoo jeeday Boosaaso, ayaa siday alaab ganacsi oo isugu jira raashin iyo bagaash, sida uu sheegay agaasimuhu.

Shilkan ayaa kusoo aadaya iyadoo roobab dabaylo wata ay ka da’ayaan xeebaha Puntland ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*