Sargaal katirsan ciidamada nabadsugida Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Sargaal katirsan ciidamada nabadsugida Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan ciidamada nabadsugida Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Axad ah gudaha Muqdisho ku dilay dablay Al-Shabaab ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka caafimaadka iyo ammaanka ah.

Dablay katirsan Al-Shabaab oo watay gaari ayaa rasaas ku furay gaariga waday Maxamuud Xasan Macalin oo loo yaqaan Qooley gudaha degmada Dharkaynlay ee Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Qoolay ayaa loo qaaday isbitaalka balse mar dambe ayaa waxa uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Labo kamid ahaa ilaaladiisa ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay baahisay idaacada afka Al-Shabaab ku hadasha ee Radio Al Andalus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*