Ugu yaraan shan qof oo ku geeriyootay dagaal u dhaxeeya labbo maleeshiyo beeleed oo ka dhacay deegaanka Saax-maygaag

Deegaanka Saax-maygaag. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyootay dagaal u dhaxeeya labbo maleeshiyo beeleed oo ka dhacay deegaanka Saax-maygaag saakay oo Axad ah, sida ilo-wareedyo ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Dagaalkan oo ku salaysan muranka deegaamaysi deegaanka Saax-dheer iyo Sangajabiye oo u dhaxeeya gobolada Nugaal iyo Sool ayaa bilaabmay sanadkii 2021, waxaana uu dhaliyay dhimasho ilaa 18 qof labada dhinacba.

Dadaalo badan oo lagu dhex-dhexaadinayo labada dhinac iyo ciidamo lagala dhex-dhigay ayaan keenin in colaadu ay istaagto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*