Dagaalyahano ku dilay 60 qof kulliyad booliis oo kutaala Pakistan

Kooxda caafimaadka oo isbitaalka Quetta u qaadaya tababarte booliis oo dhaawacmay. [Sawirka: EPA]
Islamabad-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay xarun booliiska lagu tababaro oo kutaala magaalada Quetta ee dalka Pakistan, sida ay sheegayaan saraakiisha Pakistan.

Ku dhawaad 200 oo tababar ku jiray ayaa goobta ku jiray markii uu dhacay weerarka gelinkii dambe ee Isniintii shalay, kuwo kalena waxaa loo kaxaystay afduubasho intii uu socday weerarka oo qaatay shan saacadood waxaana la dilay dhamaan kooxdii weerarka soo qaaday.

Intooda badan ee dhimmatay waxay ahaayeen arday milatari.

Mir Sarfraz Ahmed Bugti oo ah wasiirka guriga gobolka Balochistan, ayaa sheegay in shan ilaa lix nin ay soo weerareen qolka ay daganaayeen ardayda milatari xilli ay nasanayeen oo ay hurdeen.

Quetta ayaa ah casimada gobolka Balochistan, kaasoo ay ka dagaalamayaan mucaarad iyo sidoo kale maleeshiyaad Islaamiyiin ah.

Ma jirto koox ilaa iyo hadda sheegtay in ay qaaday weerarka, laakiin Quetta ayaa horey waxaa uga dhacay weeraro ay geysteen kooxo gooni u goosad ah iyo maleeshiyaad Islaamiyiin ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*