Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay: Dambiyo dagaal ayaa ka socda gudaha Suuriya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. [Xigashada sawirka: Anadolu]
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. [Xigashada sawirka: Anadolu]

Brussels –(Puntland Mirror) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in weerarkii kiimikada loo adeegsaday ee ka dhacay gudaha Idlib ee dalka Suuriya oo lagu dilay in ka badan 100 qof oo shacab uu muujinayo in dambiyada dagaal ee ka jira Suuriya ay sii socdaan.

“Dhacdadii murugada lahayd ee shalay waxay muujinaysaa nasiib-darada in dambiyo dagaal ay wali ka dhacayaan Suuriya mar walbana lagu xadgudbayo sharciga caalamiga ah ee insaanimada,” ayuu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres gudaha Brussels ugu sheegay wariyeyaasha, iyadoo uu soo aadanyahay shir-weyne ku saabsan aayaha Suuriya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa intaas ku daray in uu ka rajo qabo in Golaha Ammaanka uu qaadi doono talaabo ka dhan ah rajiimka Suuriya uuna shir deg-deg ah yeelan doono isla maanta oo Arbaco ah.

70 wakiil oo ka kala yimid wadamo iyo ururo caalami ah ayaa isugu tagay magaalada Brussels ee dalka Belgium si ay uga xaajoodaan aayaha dalka Suuriya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*