Qatar oo kala baxaysa ciidamadeeda xadka u dhaxeeya Jabuuti iyo Eriteeriya

Wasiirka Arrimaha Dibada Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani. [Sawirka: Archive]
Doha-(Puntland Mirror) Qatar ayaa kala baxaysa ciidamadeeda xadka u dhaxeeya Jabuuti iyo Eriteeriya, halkaas oo ay dhexdhexaadin ahaan ugu joogtay muranka xadka ee ka dhaxeeya labadaas dal, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Qatar maanta oo Arbaco ah.

Ma aysan sheegin sababta keentay bixitaanka balse tilaabada ayaa imaanaysa iyada oo Qatar ay wajahayso dhibaato diblomaasiyadeed oo kaga timid dowladaha Khaliijka ee ay dariska yihiin, kuwaaso oo xiriirka u jaray asbuuc kahor, iyaga oo ku eedeeyay in Qatar ay taageerto maleeshiyaadka argagixisada ah iyo Iran, balse Qatar ayaa si xoogan u beenisay eedahaas.

Lama yaqaan inta ay yihiin tirada ciidamada ee Qatar ka joogay xadka u dhaxeeya Jabuuti iyo Eriteeriya.

Qatar ayaa ku wargelisay dowladda Jabuuti la bixitaanka ciidamadeeda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada  Qatar.

Dalka yar ee kuyaala Geeska Afrika ee Jabuuti ayaa kamid ah dalal taageeray xulufada Sucuudiga oo hoos u dhigay xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dalka Qatar.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*