Xubin katirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool

Xubinta katirsanaa Al-Shabaab ee ciidamada isku dhiibay. [Isha Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xubin katirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda maanta oo Khamiis ah.

Xubinta oo magaciisa lagu sheegay Yarow Xasan Aaadan oo Seyfulaah looga dhexyaqiin maleeshiyada ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkiisa, wuxuuna codsaday in la cafiyo uuna diyaar u yahay in uu ka qeybgalo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in uu ka soo dagaalamay gobolo badan oo kuyaala Soomaaliya, uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa isku xirka ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*