TPEC oo ku dhawaaqday natiijada doorashada goleyaasha deegaanka ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn

Xubin katirsan TPEC oo ku dhawaaqaya natiijada doorashada ee degmada Qardho. [Isha Sawirka: Radio Daljir]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay natiijada doorashadii dowladdaha hoose ee shalay ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Codadka la shaaciyay ayaa intooda waxaa ugu sareeya saddexda urur siyaasadeed ee kala ah kan dowladda ee Kaah iyo labada kale uu mucaaradku leeyihiin ee Mideeye iyo Sinaan iyo Cadaalad, kuwaasoo heli doonan kuraasta ugu badan ee saddexdaas degmo.

Doorashada oo ahayd tii ugu horeysay-abid ee hal qof iyo hal cod oo ka dhacda Puntland ayaa waxaa ku tartamayay ilaa sideed urur siyaasadeed.

Doorashada degmooyinka kale ee Puntland ayaa ku xigi doona, sida u qorshaysan TPEC.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*