Mareykanka oo duqeymo ka dhacay Puntland ku dilay 20 maleeshiyo oo ISIS ah labo bilood gudahood

Hoggaamiyaha ISIS-Somalia Cabdulqaadir Muumin oo hadal u jeedinaya dagaalyahanadiisa dabayaaqadii 2015. [sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Washington ayaa kordhisay duqeymaheeda ka dhanka ah kooxda ISIS ee ku sugan gudaha Puntland labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Qiyaastii 20 maleeshiyo ah ayaa lagu dilay duqeymaha Mareykanka ee gudaha Puntland ka dhacay, marka loo eego war-saxaafadeedyada kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Duqeynta sanadkan ee Mareykanka ee ka dhanka ah maleeshiyada ayaa bilaabmatay bishii April markaas oo hoggaamiye ku xigeenkii ISIS Cabdixakiin Dhuqub la dilay.

9-kii May, AFRICOM waxay sheegeen in 13 maleeshiyo oo ISIS ah ay ku dileen duqeyn ka dhacday Buuraha Golis ee Puntland, maalin kadib afar maleeshiyo ayaa lagu dilay isla deegaankaas.

Khamiistii, Mareykanka ayaa sheegay in labo maleeshiyo oo ISIS ah ay ku dileen duqeyn, taasoo ahayd weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhan ah kooxda.

Falaanqeeyaasha ammaanka ayaa aaminsan in weerarada hawada ee Mareykanka ay culeys ku keeni karto maleeshiyada ISIS ee ku sugan gobolka.

“Dhab ahaantii, waxaan maleynayaa in duqeymahaan hawada ah ay saameyn balaaran ku keeni doonto xoriyada dhaqdhaqaaqa maleeshiyada, iyo qorsheynta weerarada argagixiso ee gudaha Puntland,” sidaa waxaa yiri Siciid Abshir Yuusuf oo ka faalooda arrimaha ammaanka..

Maleeshiyada ISIS ayaa kacdoonkeeda ka bilowday gudaha Puntland dhammaadkii sanadkii 2015 kadib markii ay ka go’day Al-Shabaab.

Tan iyo markaas, maleeshiyada ayaa weeraro badan oo ay ku jiran is-qarxin ka fulisay gudaha Boosaaso, oo ah magaalo ganacsiyeedka Puntland.

Maleeshiyada ayaa ku dhuumaneysa baadiyaha gobolka Bari waxaana la aaminsanyahay in ay heystaan dagaalyahano u dhaxeeya 150 ilaa 200.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*