Wasiirkii warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo iscasilay

Wasiirkii warfaafinta dowlada Puntland Maxamuud Xasan Soocade.

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka warfaafinta dowlada Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa maanta oo Isniin ah iska casilay xilkiisii.

Soocade oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in uu isku casilay arrimo isaga u gaar ah oo la xiriira qoys.

Intii u dhaxaysay 2014 ilaa iyo 2015-ka, Maxamuud  Xasan Soocade ayaa soo noqday wasiirka ganacsiga iyo warfaafinta Puntland.

Iscasilaada wasiirka ayaa imaanaysa iyadoo la filayo in Madaxweyne Cabdiweli uu saameeyo isku-shaandayn, sida ilo-wareedyo dowlada ah ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*