Nin rabay in uu is-qarxiyo oo lagu qabtay magaalada Guriceel

Nin qarax isku soo xiray oo lagu qabtay Guriceel. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Nin isa soo miidaamiyay ayaa lagu qabtay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud maanta oo Khamiis ah, sida ay wararku sheegeen.

Ninka ayaa la sheegay in uu doonayay in uu isku qarxiyo munaasabad ka dhaceysay Guriceel halkaas oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ninka ay u qarxi waayeen waxyaabihii ku xirnaa.

Sawiro la sii daayay ayaa muujinaya ciidamada oo jiidaya ninka rabay in uu is qarxiyo.

Ciidamada oo jiidaya ninka rabay in uu is-qarxiyo. [Isha Sawirka: Facebook]
Masuuliyiinta Galmudug ayaa sheegay in munaasabada ujeedadeedu ahayd sidii loo xusi lahaa dadkii ku geeriyooday dagaaladii deegaankaas ka dhacay ee lala galay maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*