Fiqi Bashiir Cabdulle Codweyn oo lagu aasay Gaalkacyo

Meydka Fiqi Bashiir Cabdulle Codwey. Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Fiqi Bashiir Cabdulle Codweyn ayaa maanta oo Sabti ah aas qaran loogu sameeyay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Aaska Fiqiga ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta dowladda Puntland oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali iyo isimada Puntland oo ay kamidyihiin islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo dad weyne kale oo badan.

Madaxweyne Cabdiweli oo ku hadlaya afka goloyaasha dowladda Puntland iyo kan shacabka Puntland ayaa uga tacsiyeeyay ummaada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii asxaabtii iyo caruurtii uu ka geeriyoodey marxuunku.

”Waxaan rabaa anigoo ku hadlaya magacayga kan dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba halkani in aan uga diro tacsi ummaada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland geeridaas kutimi Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan, illaahay ha’u naxariistee wuxuu ahaa shakhsi qiime weyn ugu fadhiya Soomaaliya, usoo shaqeeyey, wax badan usoo taray ayuu ahaa, inagana waajibka inaga saaran waxay tahay inaan u ducayno, Illahay u barrino inuu u naxariisto” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Fiqi Bashiir oo kamid ah ismida Puntland oo kasoo jeeda gobolka Mudug ayaa horaantii bishaan ku geeriyooday gudaha dalka Sweden.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*