Kulan u dhaxeeya madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo mar labaad ku qabsoomay Gaalkacyo

img_9263
Kulan u dhaxeeya madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo mar labaad ku qabsoomay Gaalkacyo. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa maanta oo Axad ah markale kulan looga hadlayo colaada Gaalkacyo waxa uu ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo hadal ka jeediyay furitaanka kulanka ayaa sheegay in dadka reer Gaalkacyo ay waajib ku tahay  in ay ilaashadaan walaalnimada iyo deris wanaaga ka dhaxeeya.

”Waxan isugu nimi inaan sii anba qaadno wadahadalkii shalay halkan inooga furmay oo ahaa inaan ka shaqayno in magaaladani ay magaalo xasiloon noqoto, dadka shacabka ah ee ku nool Gaalkacyo oo ay isugu darsantay colaadda iyo abaartu in aynu ka damqano dhibaatada haysata, nabadda ka shaqayn-teeda waxay waajib ku tahay qof kasta oo ku nool magaalada Gaalkacayo iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland.

Dhankiisa madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdikariim Xusessn Guuleed ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin sida wanaagsan ee uu u socdo kulanka looga hadlayo nabadaynta magaalada Gaalkacyo.

”Waxaan ku faraxsanahay sida wanaagsan ee loo anba qaadayo kulankan lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo, sidii shalay aan ku heshiinay waxay ahayd in guddiyadii howshan xalkeeda dooni lahaa lasoo magcaabo waana fulinay, waxaana rajaynayaa in gudiyada labada dhinac ah ay ka shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda Magaalada Galkacayo” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Raysulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhex-dhexaadiye ka ahaa kulanka labada dhinac oo ka hadlay kulanka maanta ayaa sheegay in laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa bulshadii magaalada ka qaxday

”Waxaa muhiin ah in dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo aan ka shaqayno sidii ay magaalada ugu soo laaban lahaayeen, waxaan rabnaa inaan masuuliyad gaar ah iska saarno in dhibaatada Gaalkacyo aysan mar danbe soo noqon haddii ilaahay yiraahdo” ayuu yiri Sharmaake.

Labada dhinac, ayaa magacaabay guddi ka kooban labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug kuwaasoo u xilsaaran sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada is-horfadhiya iyo sidii dib loogu soo celin lahaa dadka shacabka ah ee magaalada ka barakacay.

Ugu yaraan 60 qof oo u badnaa xoogaga dagaalamay ayaa ku nafwaayay ku dhawaad 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo labadii bilood ee u dambeeyay ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo Puntland iyo Galmudug.

Ku dhawaad 80,000 shacab ah ayaa ku barakacay dagaaladaas, sida ay sheegtay haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*