Wasiiradda arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya oo isku afgartay in ay dib u soo celiyaan safiiradoodii u kala fadhiyay labada dal

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oyo dhiggiisa Kenya Monica Juma, Nairobi, Kenya, April 4, 2019. [Isha Sawirka: Twitter]
Nairobi-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhiggiisa dalka Kenya Monica Juma maanta oo Arbaco ah kulan kula yeeshay magaalada Nairobi.

Labada wasiir ayaa ka wadahadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo la dhiggay bogga Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibada Kenya.

“Waxaan markale xaqiijinay rabitaankayaga aan ku dooneyno in aan si caadi ah ku soo celino xiriirka waana isku afgaranay, tilaabada kowaadna, waa in safiiradayada ay ku laabtaan fadhiyadooda,” sidaa ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibada Kenya.

Bishii Febaraayo, Kenya ayaa u yeeratay safiirkeeda u fadhiyay Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ka carootay go’aan ay dowladda Soomaaliya ku iibinaysay xirmooyin shidaal oo kuyaala xeebta labada dal ay ku muransanyihiin ee Badweynta Hindiya.

Dhex-dhexaadin uu hormuud ka ahaa Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa keenay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ay kulan ku yeesheen Nairobi bishii lasoo dhaafay ee Maarso, iyaga oo isku afgartay in la soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee deriska ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*