Wariyaha Al Jazeera Xamsa Maxamed. [Sawirka: snapshot]Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ku xiray magaalada Muqdisho wariyaha Al Jazeera Xamse Maxamed iyo saaxiibadiis oo ay kamidyihiin sawir-qaade, martigeliye iyo darawal.
Kooxda ayaa la xiray iyaga oo kasoo noqday magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe kuna sii jeeday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyada sheegeen.
Ma jirto jawaab katimid ciidamada amaanka Soomaaliya oo ku saabsan xiritaanka wariyaha Al Jazeera iyo saaxiibadiis.
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Be the first to comment