Puntland oo koox caafimaad u dirtay deegaanada roobabku ka da’een ee loo hayaamay

Puntland oo koox caafimaad u dirtay deegaanada roobabku ka da’een ee loo hayaamay. [Xuquuqda Sawirka: Puntlandi]
Puntland oo koox caafimaad u dirtay deegaanada roobabku ka da’een ee loo hayaamay. [Xuquuqda Sawirka: Puntlandi]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah koox dhakhaatiir ah u dirtay deegaanada ay dhawaan ka da’een roobabku si ay halkaas adeegyo caafimaad u siiyaan dadka halkaas u hayaamay, sida uu sheegay sargaal wasaaradda katirsan.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka Puntland Dr. Cabdirisaaq Xasan Xirsi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda caafimaadku ay ka howlgali doonaan inta u dhaxaysa degmooyinka Dangorayo iyo Xaafuun halkaas oo uu sheegay in ay xanuuno ka dilaaceen.

Dr. Cabdirisaaq ayaa xusay in ay kooxda caafimaadka ay isugu jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo wacyigeliyaal kuwaasoo loo dhammeystiray qalabkii iyo daawooyinkii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Asbuucyadii lasoo dhaafay ayaa deegaanada miyiga Dhuudo ee gobolka Karkaar waxaa gaaray boqolaal reer miyi ah oo ka kala yimid gobolada Puntland iyo sidoo kale dhanka Somaliland, reer guuraaga ayaa halkaas u guuray kadib markii roobabkii Deyrta dabayaaqadeedii ay ka da’een iyadoo dhulka intiisa kale ay abaar daran garaacayso.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*