Puntland oo soo gabagabeysay wejiga labaad ee doorashada xildhibaanada dowladda federaalka Soomaaliya

doorasho
Howlwadeenada doorashada oo tirinaya codadka ay dhiibteen ergada. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wajiga labaad ee doorashada xubnaha baarlamaanka ee Puntland u matalaya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah lagu qabtay caasimada dowladda Puntland ee Garoowe.

Lix xildhibaan ayaa ergooyinka qabiilooyinka ka yimid ay doorteen maanta, taasoo ka dhigaysa tirada ilaa iyo hadda la doortay 18 xubnood oo kamid ah 37-da xubnood ee Puntland gudaheeda laga xulayo.

19 xubnood ayaa wali dhiman, kuwaasoo doorashadoodu la filayo in ay qabsoonto asbuucyada soo socda, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka ee heer Puntland.

Soomaaliya ayaa qorshaysatay marka dowlad goboleedyada soo dhammeeyaan dhammaan xubnaha baarlamaanka federaalka oo tiradoodu tahay 275 in ay 30-ka bishaan November ay doortaan madaxweynaha dalka, balse taasi ma muuqato in ay wakhtigaas ku qabsoomayso marka loo fiiriyo wakhtiga harsan iyo xubnaha lasoo xulay ilaa iyo hadda.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*