Jabhadda Xuutiyiinta oo maamulka Somaliland uga digay saldhiga milatari ee Imaaraatka Carabta ka dhisanayo magaalada Berbera

Sawirka: Maleeshiyo katirsan Xuutiyiinta oo akhrinaya digniinta Somaliland.

Sanca-(Puntland Mirror) Jabhadda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa maamulka Somaliland uga digay qorshaha uu Isutaga Imaaraatka Carabta uu magaalada Berbera uga dhisanayo saldhiga milatari.

Muuqaal baraha bulshada lasoo dhigay, ayaa Xuutiyiintu ku sheegeen haddii Somaliland aysan qaadan digniinta in ay ku ridi doonaan madaafiic.

Magaalada Berbera ayaa kutaala Gacanka Cadan waxayna 260 km u jirta koonfurta dalka Yeman, halkaas oo xulufada uu Sucuudigu hoggaaminayo oo uu kamidyahay Imaaraatka ay kula dagaalamayaan jabhadda Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta oo Iran taageerto ayaa dhowr jeer oo hore gantaalo ku riday dalka Sucuudi Caraabiya.

Xulufada Sucuudiga ayaa saldhigaas u adeegsan doona howlgalka gobolka, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Imaaraatka Carabta ayaa dhawaan bilowday dhismaha saldhiga milatariga ee Berbera, Somaliland, waxaana la filayaa in la dhammeeyo bisha June ee sanadka soo socda ee 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*